Guddoonka Golaha shacabka oo warbixin ka dhageystay guddiyada joogtada ah

Date:

Kulankii  6-aad  ee guddiga joogtada ee Golaha shacabka JFS ayaa waxaa shir guddoominayay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ waxaana ajendaha kulanka uu ahaa isxog-wareysi ku saabsan hagidda iyo isku dubaridka howlaha gudiyada Golaha Shacabka.

Waxaa kulankaasi ka soo qeybgalay  guddoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey iyo xubnaha guddiyada joogtada ah.

kulanka  intii uu socday ayaa guddoomiyaasha guddiyada Golaha Shacabka waxa ay ka warbixiyeen guddi walba kulamadiisi ugu dambeeyay iyo waxa u qabsoomay.

Xog-haye ku-xigeenka Golaha Shacabka Maxamed C/llaahi Ciyow ayaa kulanka kadib warbaahinta qaranka u faah faahiyaay waxyaabihii ka soo baxay.

“Kulanka ay isugu yimaadeen guddiyada joogatda ah ajabdihiisa wuxuu ahaa  isxog-wareysi ku saabsan hagidda iyo isku dubaridka howlaha gudiyada Golaha Shacabka,”waxaana la isku dhaafsaday aragti ku aadan sida loo wajihi karo dardargelinta howlaha horyaala guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka.

Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala howlo badan oo ay kamid yihiin sharciyo dhowr ah oo XFS ay u soo gudibisay golaha shacbka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...