Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kalana hadlay arimo muhiim ah

Date:

Muqdisho, 17, July 2017 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta galinkii dambe kormeer ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxuuna kula kulmay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo qaar kamid ah agaasimayaasha oo ku howlnaa diyaarinta hindiso sharciyeedyo dhowr ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Hindise Sharciyeedka Xaduudaha, Axsaabta, Jinsiyadaha, Doorashooyinka iyo sharciga Dowlada Hoose oo qaar kamid ah loo gudbiyay xukuumada Soomaaliya si ay u meel mariyaan ka dibna loo gudbiyo Baarlamaanka dalka si loo ansixiyaan sharciyadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka waraystay madaxda wasaaradda waxyaaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqada wadeen iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah si loo helo madax ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullahi Weheliye ayaa sheegay inay ku mushquul sanyihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen nooca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo qaabka ugu haboon ee loo qaban karo. Wuxuuna cadeeyay inay bilaabayaan Goloyaasha deegaanka ee degmooyinka Soomaaliya si loo helo bulsho u diyaarsan in loo qabto doorashooyin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in loogu diyaar garoobo hanaan doorasho ayaa yiri “Waa in la sameeyaa dood ku salaysan Khibrad,aqoon iyo caqli si qof walba oo Soomaaliyeed looga faa’idaysto aqoontiisa iyo aragtidiisa.

“Waxaana lagama maarmaan ah in dowadladdu ay soo dhawaysato shacabkeeda si dadka Soomaaliyeed fursad loogu siiyo inay ka aragti dhiibtaan sida loo qabanayo doorashooyinka” ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxuuna sidoo kale kula dardaarmay inay ukala hormariyaan shaqooinka sida ay ukala muhiimsan yihiin .

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...