Ciidanka Kumaandooska oo burburiyay Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyada Al-Shabaab

Date:

Ciidanka Kumaandoos ee dowladda Soomaaliya ayaa Burburiyay Saldhig Maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunya-barow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay  in ciidanka Kumaandooska ay xalay qaadeen weerar Qorshaysan kaasi oo lagu burburiyay Saldhigga Argagixisada.

“Saldhigaan wuxuu ahaa mid Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo dhibaatooyinka ay u gaystaan shacabka, waxaana hadda kuu sheegayaa in gabi ahaanba Saldhigaas la burburiyay.” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa horay u burburiyay xarumo badan oo ay la haayeen Maleeshida Al-Shabaab oo hadafkooda ugu wayn uu yahay dhibaataynta shacaka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...