Wasiir Bayle oo Magaalada Baydhabo ku dhagax dhigay dhismaha wado laami ah.

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku joogo magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo halkaas ku dhagax dhigay wadamo laami oo dharerkeedu gaarayo 3.5km.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadaan ayaa waxaa bixinaya Bangiga Aduunka waxaana lasoo marsiiyey lacagta ku baxaysa Mashruuca SSF, oo hoostimaada Wasaaradda Maaliyadda, taas oo shaqadeedu tahay dhismaha wadooyinka iyo dayactirka xarumaha dowladda.

“Waxaan kala kulmay magaalada soo dhaweyn balaaran, waana markii iigu horeysay oo aan imaado, waxaana farxad ii ah in imaatinkayga ay qayb ka tahay furitaanka wado laami ah oo gaaraysa 3.5km, waxayna bilwo u tahay mashaariic badan oo wasaaradu maaliyaddu ka fulinayso magaaladda Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka’ ayuu yiri Wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in lacagta wax lagu dhisayo ay nasiiyeen wadamo kale balse lagma maarmaan ay tahay inaan isku tashano oo aan dhisano waxkastaoo dalkaan u baahan yahay, waana inaan iskaa waxu qabso dalkaan ku dhisnaa”

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee KG ayaa dhankiisa uga mahadceliyey waftiga dowladda imaatinkooda Baydhabo, kuna tilmaamay dhismaha kaabayaasha dhaqaaluhu in ay wax weyn k abadalayaan nolosha dadka, Baydhabana ay tahay xarunta halbowlaha u ah horumarka ka hana qaada goboladaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...