Wasaaradda Awqaafta ee Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Sheekh Shariif Cabdinuur

Date:

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan Shariif Aadan oo saakay u geriyooday dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda waxa ay tacsi u dirayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan Musliimta geerida ku timid Sheekha caalimka ah, oo casharo Diini ah ka bixin jiray dalka Boqortooyada Sacuudiga iyo Masjidka Xaramka Barakeysan.

โ€œWaxaan Alle uga baryaynaa Ehelka Sheekha iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in uu Alle samir iyo Imaan ka siiyo, Asagana Kheyrkii uu sameeyay ugu bedalo Janno iyo Abaalmarin wanaagsanโ€ ayuu yiri Wasiirka Awqaafta Dr Iimaan Cabdullaahi Cali.

Wasaaradda ayaa ka codsatay dhamaan Imaamyada Masaajidda dalka inay ku tukadaan Salaadda Jinaasanada xiliga Salaadda Jumcada kaddib beri oo Jimco ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...