Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha DSF

Date:

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa, kaas oo saaka subax nimadii ka soo kici timay magaalada Gaalkacayo.

Kahor kulanka ayaa waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Wasiirka iyo weftigiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaalada Garoowe.

Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa siwada jira ula hadlay bulsha magaalada Garoowe, waxaana ay  si isku mida uga hadleen muhiimada ay leedahay kawada shaqaynta amniga iyo is dhexgalka bulshadda Soomaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland Mudane. Axmed Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland markasta diyaar u yihiin is dhexgalka shacabka soomaaliyeed iyo sidii laysaga kaashanlahaa sugida amaanka Dalka, waxaana uu sidoo kale xushay in dawladda Puntland diyaar u tahay kawada shaqaynta waxkasta oo masiir u ah horumarka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa oo shacabka magaalada Garoowe uga mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee ay ku qabileen maanta  isaga iyo weftigiisa ayaa kubooriyey shacabka Puntland inay iska kaashadaan nabada iyo xasiloonida ay Puntland  ku caanbaxday, isla markaana ay markasta diyaar u ahaadaan sidii ay cadawgooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...