tartamayaasha Shibis oo ku guuleystay Kaalinta saddexaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii todobo iyo labaatanaad oo ah kaalinta saddexaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Shibis VS Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 Tartameyaasha labada degmo ee Shibis VS Kaaraan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Shibis

Tartameyaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’al, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxay noqoneysaa afar (4) dhibcood.

Kaaraan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay kaalinta saddexaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo waxaa kulanka ugu dambeeyay ku tartami doono tartamayaasha Warta Nabadda iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...