Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS oo kormeer howleed ku tegay Bangiga Dhexe

Date:

Muqdisho, 21, June, 2017…… Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Bankiga Dhexe si ay uga qayb qaataan dadajinta mushaarka shaqaalaha ee bisha May, oo Ra’iisul Wasaare kheyr amray in la bixiyo inta aan la gaarin Ciida.

Wasiirada ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise iyo ku xigeenkiisa, waxaan ay ka waraysteen halka ay marayso dadajinta bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo guud ahaan howlaha ka socda Bankiga dhexe.

Kulan kaddib ayaa Wasiirada iyo xisaabiyaha guud la hadleen saxaafadda iyagoo ku aamanay howlwadeenada bankiga sida ya uga go’an tahay mudnaan siinta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in bixinta si joogta ah mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada ay qayb ka tahay balanqaadkii Madaxweynaha, dowladana ilaa hada ay ku guulaystay bixinta mushaaraadka,

“Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in si joogta ah loo helayo mushaaraadka hadana maanta la bilaabayo in Bangi Xisaabeedka uga furan shaqaalaha Bangiyada gaaarka loo leeyahay mushaarkooda bisha May, waxaana ku xigaya bacdul ciid in la diyaariyo mushaarka bisha June, hadii Eebe idmo” ayuu yiri Wasiir Yarisow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...