Wasiirka Dastuurka oo la kulmay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiga.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh oo shirka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar kamid ah La taliyayaasha Wasaaradda ayaa u ballanqaaday Guddiga in ay la yeellan doonaan wadashaqayn joogta ah.

“Wasaaradda iyo Guddiga waxa ay dalka u hayaan hawl muhiim u ah gaarista doorashada Qof iyo Cod ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo 4ta sanno ee soo socota, waa inaan yeelanaa wadashaqayn joogta ah si aan uga soo dhalaalno waajibaadka ina saran ee shacabka Soomaaliyeed inaga sugayaan” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa bilow u ah wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga maadaama Geedi-socodka dib u eegsita Dastuurka ee ay Wasaaradda hirgelineyso uu wadada u furayo gaarista doorasho Qof iyo Cod oo dalkeenna ka dhacda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...