June โ 17 JuneMogadishu, 17 June 2017 โ Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar
Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la
soo dhaafay.
Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;
Ciidanka XDS oo dilay Maleeshiyaad miino aasayey
15kii June 2017 ayey Ciidamada XDS dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab
oo miino waxyeello geysatay ku aasay waddada isku xirta degmooyinka Jowhar
iyo Balcad. Ciidamo watay sadex gadiid ah kana tagay degmada Balacad oo ku
sii jeeday Jowhar ayaa miino lagu aasay dhulka ku qaraxday. Qaraxa kadib ayey
ciidamadu bilaabeen howlgal ay ku baacsanayeen maleeshiyaadka aasay
Miinadaasi halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaadkii miinada aasay.
ย
Wadatashiga Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo lagu qabtay Garowe
Wasaarada Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo
waday barnaamijka wadatashiga hannaanka dib-u-eegista dastuurka ayaa
usbuucan kulamo wadatashi ah ku qabatay Garowe, caasimada Puntland.
Wasiirka Dastuurka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland,
Guddooomiyaha Baarlamaanka, masโuuliyiin kale iyo qeybaha bulshada
Puntland. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee
Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada
rayidka ee deegaanada Puntland.
ย
Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo la diyaariyey
Raโiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed
(Khader) ayaa 14kii June 2017 xafiiskiisa kala wareegey Wasaarada Cadaalada
Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in
la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka
dibna ay u ansixiyaan. Raโiisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi
Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada
Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa
sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu
shaqeeyo, sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq
maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.
ย
Dowlada Federaalka oo Hirgelineysa Dib-Heshiisiin Qaran
Raโiisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Raโiisul Wasaaraha Mudane
Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa 13kii June 2017 si rasmi ah u daah furey shirka
Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xalkooda
kaas oo socday 4 cisho, laguna qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hushiisiinta
Soomaaliya, Qaar kamid ah madaxda dalka, Xubno ka socdey Maamul
Gaboleedyada, Odayaasha dhaqanka, Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u
yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameeynayo shacabka Soomaaliyeed.
Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo
baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey
iney dhaqan galinayaan goโaanada laga gaaro shirka.
ย
Dowlada Federaalka oo Mideyneysa Hannaanka Canshuuraha Dalka
Wasiirka Wasaaradda Maaaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa 12kii
daahfuray Shirweyne ay Wasaaradu ku casuuntay Wasaaradaha Maaliyada ee
Dowlad Goboleedyada kaas oo lagu mideynayey canshuuraha iyo dakhliga dalka
iyo sidoo kale xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga. Wasiirka Maaliyadda
ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in masโuuliyad
weyn ka saaran tahay sidii dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa. Ka
qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii
dalkeenu u noqon lahaa mid amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha
ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan
joogto ah. Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay
tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee
dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga
la saaro.
ย
Saldhiga tababarada Al-Shabaab ee Saakow oo la burburiyey
11kii June 2017 ayaa ciidamada XDS iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka
waxey ku guuleysteen inay bur-buriyaan saldhig weyn oo kooxda argagaxisada
ee Al-Shabaab ku lahaayeen meel u dhow Degmada Saakow ee gobolka
Jubbada Dhexe. Hawlgalkan ayaa waxaa fuliyey ciidadanka sida gaarka ah u
tababaran ee Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga
- Guushan ayaa waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabulo
weerarro cusub.
ย
Dowlada Federaalka oo hirgelisey Tababarka Fahamka Xaquuqda Carruurta
Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta
warbixinta heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar ka mid
ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Saraakiisha hayโadaha Dowladda iyo
Bulshada Rayidka 11kii June 2017. Siminaarka oo ay soo agaasintay
Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya
ayaa waxaa diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda
carruurta. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in si fiican qeybaha bulshada looga
fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan
tabbabarada nuucaani oo kale ah.
ย
Dowlada Federaalka oo qorsheyneysa soo nooleynta Dalxiiska
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar
Cismaan (Eng. Yarisow) oo 16kii June 2017 kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee
Hayโada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai
ayaa sheegay in Dowlada Federaalku ay wado qorshihii dib u soo nooleynta
Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka,
tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka
helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax
walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu
kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa
fursad ay Soomaaliya ay ku dooneyso inay door ku yeelato Hayโada DalxiiskaCaalamiga.
DHAMAAD
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.soยฉ2017 Ministry of Information, Culture & Tourism | Mogadishu, SomaliaWeb Version Forward Unsubscribe