Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu horeeyn, Wasiir Xoosh ayaa Madaxweyne Gaas uga mahadceliyay soo dhaweeynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan kaaga mahadcelinayaa soo dhaweeynta wanaagsan ee aad noo sameeyseen, waana mid nagu dhiiragelineysa inaan ku soo noqono magaaladan” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, AVV Xoosh iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

“Waan ognahay doorkii wanaagsanaa ee ay Puntland ka soo qaadatay Geedi-socodkii ansixinta Dastuurka qabyada ah ee la ansixiyay 1 Aug 2012, hadana waxaan idinka rajeyneynaa kaalintii shalay mid ka sii fiican in aad ka qaadataan Ololaha dib u eegista Dastuurka taasoo ku suurtageli karta in aynu xoojino wadashaqeynta inaga dhaxeysa” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu dambeyn,Madaxweynaha Puntland ayaa wafdiga uga mahdaceliyay booqashadooda, sidoo kale wuxuu ku ammaanay Wasiir Xoosh iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda sida dardarta leh ee ay kuwadaan hawlaha Wasaaradda, waxa uuna ballanqaaday in Puntland ay qayb lixaad leh ka qaadan doonto hannaanka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...