Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Soo Nooleynta Dalxiiska Dalka

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo La-Taliyaha Dalxiiska Yasir Baffo ayaa gaaray magaalada Madrid ee dalka Spain oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa kulamo la qaadan doona Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Spain. Ujeedada booqashada Wasiirka ayaa ah dardargelinta Qorshaha dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka Spain iyo Soomaaliya.

Wasiir Yarisow ayaa yiri “Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska waxey wadaa qorshihii dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka, tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa fursad aan dooneyno in Soomaaliya ay door ku yeelato Hay’ada Dalxiiska Caalamiga bacdamaa dalkeenu uu leeyahay fursad qaali ah oo ku habboon dalxiiska.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa inta uu joogo Madrid, Spain waxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka socota dalka Spain si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...