Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday qodobo ay ka mid yihiin Qaraxii Pizza House.

Date:

Muqdisho, 15 June 2017—Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixsadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo kamid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka Amniga ayaa golaha warbixin ka siiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Pizza House, wuxuna tilmaamay in falkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux oo kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, isagoo tilmaamay in 7 kamid ah dadkaas ay yihiin haween ku sugnaa halkaas waqtigii uu qaraxu dhacayay.

“Falkaas argagixiso wuxuu cadeeyey sida cadowga ummadeenu ugu heelan yahay daadinta dhiiggooda, waxaa cad in Shabaab ay yihiin koox ka fog diinteena marka loo eego dhacdooyinkooda, gaar ahaan midii xalay oo ay ku dileen shacab aan waxba galabsan”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow (DUCAALE) .

Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka argagixiso.

Dhanka kale, Shirka golaha ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin soo bandhigidda dakhliga soo xarooday oo golaha uu warbixin ka siiyey Wasiirka Maaliyadda Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...