Ciidammada sida gaarka ah u Tababaran ee Gaashaan ayaa ku guulestay inay soo Afjaraan weerarka Argagixisada ay ku qaadeen Maqaayadaha Pizza House iyo Posh.
Howlgal qaatay muddo saacado ah oo ay ciidamada sida gaarka ah u diyaarsan xalay ilaa iyo saakay ay wadeen ayaa lagu guuleystay in la soo gaba-gabeeyo iyadoo goobta laga soo saaray dad dhaawacya qaba iyo kuwa dhintay.
Tirada Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay gaareyso ku dhawaad 18 ruux ay kujiraan Lix gabdhood oo Maleeshiyaadka cadowga ay halmeel kuwada dileen, kuwaas oo labo ka mid ah ay wada dhasheen. halka dhaawacana uu yahay 19 ruux, dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo goobta u yimid in ay waqti nasasho ah ku qaataan.
Dableyda hubeysan ee gudaha ugashay maqaayadda Pizza House iyo ciidamada ammaanka ayaa saacado ku dagaallamayay gudaha maqaayadda, taas oo keentay in ay damaan leerarkii iftiinka howlgalkuna sidaa u ku dheeraado.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay Maqaayadda Pizza House xaaladduna ay dagan tahay goobtana ay joogaan ciidamada ammaanka.
Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa si isku mid ah weerarkan ugu qaaday maqaayadaha Pizza House iyo Posh hasa ahaatee waxa ay gudaha u galeen maqayadda qasaaraha badan ka dhashay ee Pizza House oo ka soo horjeedda Posh oo labaduba ah goobo dhallintu ay ku caweeyaan.