50 dhallinyaro ah oo Al-Shabaab ka soo goosatay

Date:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 50 dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen, iyagoo ka faaโ€™ideysanaya cafiskii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada ay bilaabeen inay isa soo dhiibaan labadii bilood ee u dambeysay.

โ€œ50 dhalinyaro oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxay ka faaโ€™ideysteen cafiska uu Madaxweynaha Jamhuuriyada u fidiyayโ€ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 6-dii bishii April ee sanadkan ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya, isla markaana uu cafis u fidiyay muddo 60 cisho gudahood.

Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa xarun dhaqan celin ku taalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro oo horay uga soo goostay Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...