Wasaaradda Amniga oo soo saartay awaamiir ku saabsan amniga mas’uuliyiinta dowladda

Date:

Wareegto ka soo baxday xafiika wasiirka wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa lagu faahfaahiyay go’aanada ku saabsan sugidda amniga mas’uuliyiinta dowladda.

Wsiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in muddo afar iyo toban cisho gudahood ay mas’uuliyiinta dowladda ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah, waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay go’aankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa sugitaanka Amniga iyo Xasalinta Amniga caasimadda, go’aankasi oo ku taariikheysnaa 11 May ee 2017.

Go’aanka Golaha Wasiirada faqradda 7-aad oo uu dhigan sidan. “Waxaa laga mamnuucay dhammaan qofkasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47”.

Si loo dhaqangeliyo go’aankaasi ayuu Wasiirka Amniga ugu qabtay Xildhibaananda labada aqal, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo dhammaan Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo Hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta Hogaanka Dambi baarista (C.I.D)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Beeraha ee Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....