Kaaraan oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka 18-aad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, isla markaana uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxa ku tartamay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkiinleey oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore waxaa la hordhigay afar su’aal degmada walba, waxaana kaddib la soo gudbiyey warbixinnadii taariikhda degmooyinkaas ka hadlayey,  kuwaas oo fududeeya isbarashada dadweynaha deggan labada degmo

Natiijada Dharkiileey

Degmada Dharkiileey ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal midna kama  jawaabbin, waxa ayna keenen eber (0 ), degmada Dharkiinleey

Natiijada Kaaraan

Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir iyaguna waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa u suurogashay in ay ka jawaabbaan laba ka mid ah, halka su’aal saddexaadna ay si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, iyagoo uruursadey Lix dhibcood ( 6 dhibcood), degmada kaaraan ayaa u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Habeen dambe waxaa tartami doono degmooyinka Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo iyo degmada Wadajir oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...