Ra’iisul wasaare Kheyre oo Addis Ababa lagu soo dhoweeyey

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka IGAD ayaa timid, markii Madaxweynaha uu ka cudur daartay inuu shirka ka qeyb galo, sababo ku aadan howlo shaqo oo u yaala.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa colaadaha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Koofurta Sudan, iyadoo shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shir guddoonka shirka ah.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ku tagay Itoobiya ayaa ah kii u horeeyay ee wadamada deriska ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad ee uu dibadda ugu ambabaxo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...