Ra’iisul wasaare Kheyre oo Addis Ababa lagu soo dhoweeyey

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka IGAD ayaa timid, markii Madaxweynaha uu ka cudur daartay inuu shirka ka qeyb galo, sababo ku aadan howlo shaqo oo u yaala.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa colaadaha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Koofurta Sudan, iyadoo shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shir guddoonka shirka ah.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ku tagay Itoobiya ayaa ah kii u horeeyay ee wadamada deriska ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad ee uu dibadda ugu ambabaxo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...