Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka  17-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka X/weyne oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore waxaa la weydiiyey afar su’aal mid walba, iyadoo kadidb qeybta nasashada lagu soo gudbiyey warbixinnadii joogtada ahaa ee ka hadlayey taariikhda labada degmo ay dalka ku leeyihiin.

Natiijada X/weyne

Degmada X/weyne ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, midna kama jawaabbin, hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna heleen laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada degmada Dhahar

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabeen laba ka mid ah, shan waa ay qaldeen, sidoo kale laba su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood (8 dhibcood), degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxa uu tartan xiiso leh ka dhaxeyn doonaa degmooyinka Dharkeynley iyo Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha...

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige...

Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhi”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa...