(Faallo) Xukuumadu weey ku shaqeyn kartaa miisaaniyad ku saleysan dakhliga gudaha

Date:

Waa qasab in dowlad kasta ay ku dhaqaaqdo barnaamijyo Maaliyadeed oo aasaas u ah keydinta  dhaqaalaha ka soo xerooda bulshada ay maamusho iyo kuwo kale oo ay ka helaan hirgalinta mashaariicyo horumarineed oo ay la wadaagaan dalalka kale ee daneeya dowladahaasi.

Inkatoo dowladda  Soomaaliya ay ka soo kabanaya dhibaatooyinkii dowlad la’aaneed,haddana maamulka xilligaan oo  ku yimid rabitaanka bulshada,waxay ku guuleysteen in ay diyaariyaan isla markaana soo bandhigaan barnaamij maaliyadeed oo keeni kara in dadku ay la ocdaan dhaqalaha dowladda ee dhinaca gudaha iyo dibadda ,si ay meesha uga baxdo tuhunada la xiriira wax isdaba-marin iyo lunsasho habti umadeed.

Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii caadiga ahaa  kaga  dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Milyan oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Lacagahaasi ayaa lagu saleeyay in ay yihiin kuwo laga soo uruurinaayo goobaha laga maamulo ilaha dhaqaale ee dalka sida dekedda,garoonka diyaaeadaha iyo meelaha kale,waxaana miisaaniyadda sanadkaan laga ilaaliyay  in lagu daro  dhaqaalaha ay bixiyaan dalalka daneeya Soomaaliya,kuwaas oo loo arkay in uu ku imaan karo dib u dhac ama arimo kale.

Tallaabadaan oo ah dhaqdhaqaaq ay xukuumaddu ku bixineyso kalsooni raadinta  ayaa timid kadib markii maamulka wasaaradda maaliyadda ay kashifeen in sadex laab iyo afar laab la helay lacagihii ka soo xeroon jiray dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho,taasina ay ku timid hagaajinta nidaamka loo qaado dakhliga.

Waxaa dhab ah in aysan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya miisaaniyaddii hore iyo tan maanta ee la ansixiyay ,hasa yeeshee waxaa muuqda in xukuumaddaan ay xil iska saartay sidii loo heli lahaa dakhli sax ah oo salka ku haya caafimaad-qabka ururinta canshuuraha dalka, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliya waxa ay heysataa fursad qaali ah oo aan soo marin kuwii ka horeeyay

Hadii dakhliga gudaha loo maamulo si daacad ah oo ay ku dheehan taahay alla ka cabsi waxaa goor dhow dalka Soomaaliya uu ku tallaabsan doonaa horumar la mid ah kuwa ay gaareen  dalalka Afrika qaarkood.

Dadaalka baaxadda leh ee ay wadaan dowladda,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda,ayaa u muuqda mid suuragalinaya in dalku uu iska ilaalin doono lacago deyn ah oo ka yimaada dibadda,waxaaana la rajeynayaa in la bilaabo qaadista canshuuro badan oo hoos tagi jiray maamulka gobolka,wasaaradaha maaliyadda iyo lacagta,sida berrigga.

Mudada dhow dakhliga ka soo xerooda caasimadda dalka ayaa la filayaa in lagu dhiso goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ,isla markaana lagu bixin doono  mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada,iyadoo si gaar ah lacagaha ay is-dhaafsanayaan maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda uu yahay mid cad oo aan keeneyn  in gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.

Dalal badan oo isugu jira Carab,Yurub iyo kuwo kale  ayaa bilaabay bixinta lacago dhiirigelin ah oo la siinayo dowladda,kadib kolkii ay arkeen xirfadaha dhabta ah ee ay ku shaqeynayaan xukuumadda cusub,waxayna ballan qaadeen in ay cafin doonaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya,haddii ay ka miro dhaliyaan hiigsiga dowlad wanaaga.

Xukuumad daacad  ah oo diyaar u ah in lala qeybsado dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee loogu adeegayo umadda,waxa ay dhiirigelin kartaa isla Xisaabtan dhab ah oo salka ku haya ogaanshaha hannaanka Maaliyadeed ee dalka ,iyadoo ay lama huraan tahay in dadweynuhu  ay helaan  ama la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado iyo in la mariyay dhaqaalahaasi meeshii saxda aheyd ee loogu talagalay

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...