Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka ย 17-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka X/weyne oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore waxaa la weydiiyey afar suโ€™aal mid walba, iyadoo kadidb qeybta nasashada lagu soo gudbiyey warbixinnadii joogtada ahaa ee ka hadlayey taariikhda labada degmo ay dalka ku leeyihiin.

Natiijada X/weyne

Degmada X/weyne ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba suโ€™aal, midna kama jawaabbin, hal suโ€™aal ayeey si ka faaโ€™ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna heleen laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada degmada Dhahar

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, waxaa la weydiiyey toddoba suโ€™aal waxa ay ka jawaabeen laba ka mid ah, shan waa ay qaldeen, sidoo kale laba suโ€™aal ayeey si ka faaโ€™ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood (8 dhibcood), degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxa uu tartan xiiso leh ka dhaxeyn doonaa degmooyinka Dharkeynley iyo Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale