Faarax Qare oo sheegay in ay yar yihiin dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh cilmiga badda

Date:

Akadeemiyadda Culuumta baddda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee Khaliif Macow Xasan ayaa hoos timaada hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed, waxaa dhigta arday boqol ku dhow oo barta cilmiga badda iyo shuruucda caalamka ee badaha ku saabsan.

Ardayda Akadeemiyadda, Khaliif Macow Xasan, ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka Semister-ka 3 aad, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa Akadeemiyadda C/nuur C/qaadir.

“Akadeemiyadda waxaa ay ka kooban tahay labo kuliyadood oo kala ah; kuliyadda culuumta badda iyo kuliyadda Qawaaniinta badda, waxayna maanta ardayda u fadhiyaan semisterkii sadaxaad,” ayuu yiri madaxa Akadeemiyadda.

Guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa ka hadlay ahmiyadda loo aas aasay Akadeemiyadda.

“Baahida loo qabo aqoonta badaha aad iyo aad u weyn tahay  aqoonta dalka badda uu u leeyahayna waa ay kooban tahay, sidaa awgeed shaqo kale ayaa nagu soo baxday oo ah cilmi baaristii aad wadnay waxaa ku darnay cilmi faafin,” ayuu yiri Faarax Qare.

Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) Guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badda, ayaa sidoo kale sheegay in ay qorsheynayaan in ay kuliyado kale ku soo kordhin doonaan sanadka soo socoda.

“Waxaa noo dhiman oo muhiim ah oo sanadkan furi rabnaa, sida uu Ractor-ka tilmaamay kuliyadii badda maridda (Navigation) maraakiibta sida loo wado iyo Injineeriyadda sida loo farsameeyo matoorada maraakiibta,” ayuu mar kale sheegay Faarax Qare.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, hase ahaatee Xeer dheeriyaasha ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaaliyeed ee yaqaano cilmiga badaha iyo Qawaaniinteed ay aad u yar yihiin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...