Shirweyne looga hadlayay Siyaasadda Dhalliyarada Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Shirweynahan ansixinta siyaasadda  Qaran ee Dhallinyarada ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul wasaare ku Xigeenka xukuumadda Soomaaliya , wasiirka Wasaarada Dhallinyarada, Wasiir ku xigeenka  wasaaradda Dhallinyarada, Wasiirada dowlad Goboleedyada Ururrada Dhalliyarada ,Dhalliyarada Gobolka Banaadir Ururrada Arrimaha bulshda iyo Dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka Goblka Banaadir ,

Shirweynahan manta furmay waxaa daah furay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed isagoo sheegay in boqolkiiba todobaatan  iyo Shan ay Dhallinyaro yihiin  Siyaasadda dalkana ay tahay sidii dhalliyarada Soomaaliyeed Wax Badan loogu Qaban laha.

“Dhalliyaradu waa mustaqbalka Berrito waa inay ka tashadaan aayahooda ka dowlad ahaanna waan garab taagannahay wax u qabashada dhalliyarada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed

dhan ka kale waxaa goobta ka hadlay wasiirrad Dowlad Gobolleedyada dalka iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in siyaasadda Qaran loo helo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhalliyarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaba gabadii goobta ka hadashay ayaa sheegtay in talooyinka wanaagsan ee shirkan ka soo baxa la Uruurin doono  si loo jeheeyo siyaasadda Qaran ee  Dhalliyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...