Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay qeybaha bulshada ee magaalada iyo maamulka Gobolka.Wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxa ay socod ku mareen goobo badan oo lagu soo dhaweeyay, iyagoo markii dambe u gudbay xarunta maamulka Gobolka ee Galmudug, halkaasi oo ay kulan looga hadlayay xaaladda magaalada ay kula qaateen maamulka Gobolka.Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kula dar daarmay shacabka Gobolka Mudug inay ka shaqeeyaan Nabadda.

Waa socdaalkii labaad ee uu Madaxweynaha Galmudug uu ku tego qaar ka mid ah degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo safarkiisa ugu horeeyay ku tegay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud tan iyo markii dhawaan xilka looga caleemo saaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...