Nin ka tirsan Daacish oo Puntland ku isku dhiibay

Date:

Cabdullaahi Maxamed Saciid oo ka tirsan Kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa deegaanno ka tirsan Puntland, ayaa isu dhiibay ciidammada Puntland.

Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa Idaacadda VOA u sheegay in ninkaan uu isaga qirtay in uu ka tirsan yahay kooxda argagixsada ah ee Daacish, waxa uu intaa ku daray in weli ay ku hayaan baaritaanno ku aaddan sababta ka dambeysay isa soo dhiibitaankiisa.

“Wareysi faah-faahsan weli lamma yeelan, waxaa socda dedaallo badan oo la xiriira in rag kale ay isa soo dhiibi doonaan, horey ayaan ugu baaqnay in malleeshiyaadka dhuumaaleysanaya ay isaga baxaan kooxda Daacish, Cabdullaahi Maxamed Saciid markii aan gacanta ku dhignay waxa uu ahaa qof xanuunsan, xaaladdiisa hadda annaga ayaa la tacaalnay, waxaana u mari doonaa wax sharciga uu qabo, haddii la cafinayo ama la xukummayo hey’adaha caddaaladda ayaa go’aamin doona” ayuu yiri Sargaalkaas ciidanka Puntland ka tirsan.

Taliyaha ururka 1-aad ayaa sheegay in aysan jirin muddooyinkaan dagaallo toos ah oo ay la galeen kooxdaasi deegaannada Buuraleyda ah ku dhuumaaleysanaya, hasa yeeshee waxa uu xusay in ay soo gabagabeyn doonaan dhowaan kooxahaasi argagixsada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...