Muqdisho, 05 June 2017…Raโiisul Wasaaraha XFD Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xariirka Caalamka waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaarada,isagoona kala hadley arimaha shaqada iyo sida ay howshu usocto. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaarada oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.
Raโiisul Wasaare Khayre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaarada loo nidaamiyey,waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaarada Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.
โWaxaan aad ugu farxsanahey sida quruxda badan ee shaqada usocoto iyo isbedelka ka muuqda Wasaarada, waxaana aad ugu bogaa dinayaa madaxda wasaarada in loo baahan yahey iney si balaariyaan shaqada ay u hayaan qarankaโayuu yiri R/W Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatey Agaasimayaasha shaqada iyo Wasiirka Arrimaha Debida Yuusuf Garaad Cumer waxuuna weydiiyey arimaha loo bahanyahey in wax laga badelo iyo qorshaha waxqabed ee u degsan Wasaarada inta ka dhiman Sanadka.
Waxey booqashadan qeyb ka tahey koormeerka uu Raโiisul Wasaare Kheyre ku booqdo xafiisyada Hayโaddaha dolwada Soomaaliya..
—-DHAMMAAD—-