Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeerey Wasaarada Arrimaha Dibeda Soomaaliya.

Date:

Muqdisho, 05 June 2017…Ra’iisul Wasaaraha XFD Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xariirka Caalamka waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaarada,isagoona kala hadley arimaha shaqada iyo sida ay howshu usocto. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaarada oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaarada loo nidaamiyey,waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaarada Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu farxsanahey sida quruxda badan ee shaqada usocoto iyo isbedelka ka muuqda Wasaarada, waxaana aad ugu bogaa dinayaa madaxda wasaarada in loo baahan yahey iney si balaariyaan shaqada ay u hayaan qaranka”ayuu yiri R/W Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatey Agaasimayaasha shaqada iyo Wasiirka Arrimaha Debida Yuusuf Garaad Cumer waxuuna weydiiyey arimaha loo bahanyahey in wax laga badelo iyo qorshaha waxqabed ee u degsan Wasaarada inta ka dhiman Sanadka.

Waxey booqashadan qeyb ka tahey koormeerka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku booqdo xafiisyada Hay’addaha dolwada Soomaaliya..

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...