Wasiirka maaliyadda oo sheegay in qorshe dhaqaale loogu heli karo ciidanka qalabka sida dhowaan soo bixi doono

Date:

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu bixiyo ciidanka qalabka sida ee dalka isla markaana qorshahaas dhowaan la soo saari doono.

“Ciidanka Soomaaliyeed in dadka Soomaaliyeed fund-gareeyaa (dhaqaalihiisa bixiyaan), waxaa ay inagaga go’an tahay oo barnaamij dhowaan soo bixi doona, waxaan dooneynaa ciidanka Soomaaliyeed ee magacyada leh ee la yaqaano 20 aad, 21 aad iyo 60 aad baan maqashaan in aan ku jilno (kafaala qaadaan) magaalooyinkaas, ciidanka 20 aad oo intaas ah wuxuu ku jilan yahay Minneapolis.. in aan sidaa niraahdo oo dadka Soomaaliyeed kafaala qaataan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda dalka ayaa sidoo kale sheegay in si dalka dhaqaalihiisa kor loogu soo qaado loo baahan yahay in nabad laga dhaliyo guud ahaan wadanka si taas oo helana loo baahan yahay in ciidanka qalabka sida la dhiso lana qalabeeyo.

“ Wax walba loo la sameynayo in wax yar la dul saaro oo la yiraahdo ciidankaa lagu dhisaya aad ayay muhiim u tahay arinta xawaaladaha oo kaliya ma ahee qabbaan soo wadnaa oo cid walba ugu darsan karto ciidanka dhismahiisa,” ayuu sheegay Beyle.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeybgalayay barnaamijka kulanka todobaadka oo si toosa ugu baxay Radio Muqdisho iyo SNTV maalinta jimcaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...