Wasiirka maaliyadda oo sheegay in qorshe dhaqaale loogu heli karo ciidanka qalabka sida dhowaan soo bixi doono

Date:

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu bixiyo ciidanka qalabka sida ee dalka isla markaana qorshahaas dhowaan la soo saari doono.

“Ciidanka Soomaaliyeed in dadka Soomaaliyeed fund-gareeyaa (dhaqaalihiisa bixiyaan), waxaa ay inagaga go’an tahay oo barnaamij dhowaan soo bixi doona, waxaan dooneynaa ciidanka Soomaaliyeed ee magacyada leh ee la yaqaano 20 aad, 21 aad iyo 60 aad baan maqashaan in aan ku jilno (kafaala qaadaan) magaalooyinkaas, ciidanka 20 aad oo intaas ah wuxuu ku jilan yahay Minneapolis.. in aan sidaa niraahdo oo dadka Soomaaliyeed kafaala qaataan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda dalka ayaa sidoo kale sheegay in si dalka dhaqaalihiisa kor loogu soo qaado loo baahan yahay in nabad laga dhaliyo guud ahaan wadanka si taas oo helana loo baahan yahay in ciidanka qalabka sida la dhiso lana qalabeeyo.

“ Wax walba loo la sameynayo in wax yar la dul saaro oo la yiraahdo ciidankaa lagu dhisaya aad ayay muhiim u tahay arinta xawaaladaha oo kaliya ma ahee qabbaan soo wadnaa oo cid walba ugu darsan karto ciidanka dhismahiisa,” ayuu sheegay Beyle.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeybgalayay barnaamijka kulanka todobaadka oo si toosa ugu baxay Radio Muqdisho iyo SNTV maalinta jimcaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...