Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo loo qaaday askar qaba dhaawacyo kala duwan

Date:

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo qabay dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaaray iyaga oo gudanaya waajibaadka loo idmaday, isla markaana xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay ayaa loo qaaday dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Askarta ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Soomaaliya, waxaana uu taliyaha u qeybiyay askarta dhaawacyada qaba ee la qaaday lacago ay ka dhigtaan sahay.

Labo ka mid ah askarta qaba dhaawacyada ee loo qaaday dalka Sacuudiga ayaa inta aysan ka dhoofin dalka ka hadlay xaaladooda caafimaad iyo sida ay u arkaan gurmadka caafimaad ee loo sameeyay.

Janeraal Libaan Xuseen Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in askartan ay ku soo dhaawacmeen difaaca dalkooda iyo ka hortagga falalka ay argagixisadu ku heyso shacabka.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaalieed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa sheegay in Taliska ciidanka Xoogga ay ka go’antahay daryeel u fidinta ciidamada ku soo dhaawacma difaaca dalkooda, isagoo uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga kaalmada caafimaad ee ay u fidisay.

Waa markii labaad tiro ciidan oo qaba dhaawacyo loogu qaado dalka boqortooyada Sacuudiga, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad wax looga qaban waayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...