Wasiirka Maaliyaddda Soomaaliya oo ka warbixiyay waxqabadka labadii bil ee la soo dhaafay

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay tahay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka.

Dr. C/raxmaan Beyle, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho maareeynta kharashka ku baxay dowladda..

“ Waxaan dooneynaa in wadanka uu ku filnaado kharashaadka ku baxaya dowladda sida bixinta mushaaraadka iyo running cost oo ah, waxyaabaha shaqada ku soconeyso, labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku guuleysanay in aan bixino mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda”

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in markii hore canshuurta beriga ay aheyd dakhliga dalka in ka badan 90% maantana ma jirto arintaas sababtana waa amni darada jirta, haddii amniga la sugo waa la isku filnaanayaa.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale, sheegay in dalka lagu leeyahay lacag ka badan $5 Bilyan taas oo ay ku leeyihiin dalal iyo hey’ado caalami ah, isla markaana wadahadolo dheer kadib lagu rajo weyn yahay in laga cafiyo deymahaas.

“Deynta waxaa nagu leh saddex qolo oo kala ah dalalka Yurub, dalalka Carabta oo ah kuwa ugu badan iyo  bankiyo caalami ah hay’da lacagta adduunka {IMF} iyo World Bank”sidaa waxaa yiri Wasiirka maaliyada

Wasiirka ayaa sheegay in ay dalalkaas iyo hey’adaha ay kala hadleen sidii deyntaas looga cafin lahaa Soomaaliya, maadaama aysan bixin Karin lacagtaas, waxaana lagu xirey shardi ah in ay hagaajiyaan hannaanka Maaliyadda dalka, isla markaana muddo 12 bilood ah loo qabtay in ay arintaas hirgeliyaan si loo cafiyo deynta.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa sheegay in deeq lacageed oo gaaraysa $50 Million ay ka heleen bankiga aduunka, taas oo lagu qaban doono dadka abaaruhu saameeyeen in mashaariic kale loogu sameeyo.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay ayna dhankooda ilaalin doontaan amaanadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...