Dhismaha cusub ee Jaamacadda Galgaduud oo xariga laga jaray

Date:

Munaasabad xariga looga jarayay Dhismaha Cusub ee Jaamacada Galgaduud University Caabudwaaq ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlada Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliin sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada, Ardeyda Jaamacadda, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Galgauud University ayaa ugu horayn tilmaamay in Jaamacaddan ay dabooli doonto baahiyaha dhanka tacliinta sare ee ka jirta degmada, uuna ku faraxsanyahay in xariga laga jaray Jaamacadda.

Madaxwaynaha Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa xusay in Jaamacaddu ay door muuqdo ka qaadan doonto sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle ayaa sheegay muddadii uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq uu ku arkey horumar, dhanka waxbarashada ah oo laga sameeyay magaalada.

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta lagu dhagax dhigay Masaajid loo dhisayo Jaamacadda Galgaduud sida uu sheegay  Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

      

Cabdikariin Axmed Bulxan 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...