Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xarunta Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo ku-xogeenkiisa ayaa maanta howlo kormeer ah ku tegay xarunta hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka Booliska, kaasi oo u jeedka ahaa u kuurgelidda sida ay ciidamada u shaqeeyaan.

Masโ€™uulayiinta ayaa waxaa ku soo dhaweyayย  Hogaanka ย Ilaalinta canshuuraha ย Taliyaha Hogaaankaasi iyo sarakiil kale oo ka tirsan Ciidanka iyagoo ugu warbaxiyay howlaha ay hayaan iyo halka ay mareyso.

Wasiirku Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali ayaa sheegay inย  loo baahanahay in la xooojiyoย  qaabka loo aruuniyo cansruuaha.

โ€œDowladda waxaa ka goโ€™an sidii wadanka loo gaarsiin lahaaย  horumar wanaagsan, taasina waxaa lagu gaari karaa in aan xil iska saarno canshuurahana si wnaagsan loo qaado, waa mida kaliya ee dalka lagu horumarin karoโ€Ayuu yari Wasiir Qaloocow

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomalaiya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil la iska saaro aruurinta canshuuraha .

โ€œWaa in laย  xoojiyoย  shaqada canshuur aruunita, taasi oo ahย  mid muhiim ah, waana in ay wada shaqeyn fiican dhex marto adiga iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u xilsaaran canshuur arruurinta ย loo xilsaaray, Shacabka canshuur baxiyaasha ah in si wanaagsan loola dhaqmo loona isticmaalo lacagaha sida loogu talagalayโ€ayuu yari Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xaqiiray in hogaanka ilaalinta canshuuraha ciidanka booliska shaqadooda loo madax banaaneeyo.

โ€œWaa in ย loo dhaafo shaqadooda ciidanka ilaalinta canshurahaย  Booliska shaqadoooda ย waxyaabo kaleย  oo aan ka baxsaneen shaqadooda inaa loo dirsan, loogaga baahan yahay in ay shaqadooda xoojinayaanโ€ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda

Dhinaca kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inย dowladda ay ka goโ€™antahay bixinta mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda, waxaana uu yiri โ€œXukuumadda way ย ka goโ€™antahay in ay idin siisoย  mushaaraadkiina, ย waana joogto amniga qeyb muhiim ah ka yahayย  xasilinta dalka, isla markaana qarashaaad loo helo, ย si wadankeena xasilooni amni u helo sida aad ogtahiin dalkeena waa hodan, waxaana ku jira kheyraad fara badan waxaanaย  muhiiim ah inaan ka faaโ€iidesanoโ€

Masuulayiinta Wasaaradda maaliyadda ayaa dadaalo xoogan ugu jira sidiii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadanka iyo sidii dadka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa in ay bixiyaan canshuruaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale