Maamulka Degmada Heliwaa oo furay waddooyin muhiim ah

Date:

Iyadoo maalintii shalay madaxda sare ee Dalka ay ku howlanaayeen Nadaafadda magaalada ayaa olole midkaas la mid ah waxa uu ka socday Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir.

Ololahaasi ayaa waxaa hormuud ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar  Cabdulle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah maamulka Degmada ayaa maanta soo kormeeray olole Nadaafadeed oo ka socotay waddooyinka degmada, kuwaasi oo ujeedku ahaa in laga jaro geedaha waddooyinka qariyay.

Ololahaasi ayaa intii uu socday ayaa waxa ay maamulka degmada Heliwaa ku guuleysteen in ay furaan islamarkaana ay dayactiraan waddooyin muhiim ah oo ku yaala gudaha Degmada

“Waxaa maanta markale ku guuleysanay in aan furno islamarkaana aan dayactirno waddooyin kale oo ku yaalla gudaha Degmada Heliwaa, kuwaas oo ay horay u xireen Geedka loo yaqaan Geed Yuhuud, sidaas darteed kan Maamul ahaan waxaa naga go’an inaan xoojinayo ololaha ku aadan bilic soo celinta caasimadda dalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Heliwaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...