Xukuumadda oo wadda qorshe lagu mideynayo Mushaarka Ciidanka.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dawladdu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa mushaaraadka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo hadda qeybo kamid ah ay bixintooda iska kaashadaan Dawladda iyo qaar kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu dhageystay cabashada Ciidanka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin in dawladdoodu ay siiso mushaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu ay tahay mid kamid ah mudnaanta koowaad ee Dawladda, si hadafkaas looga dhabeeyana ay Xukuumaddu sameyn doonto in hal mar ay wada gaaraan ciidanka mushaarkiisu.

“Ma ahan oo keliya in afka laga yiraahdo waxaan bixinaa mushaar ciidan ee waa in ficil dhameytiran loo badalaa oo isla xisaabtan la socdo“.

“markaan dhageysanay cabashada ciidanka waxaa noo soo baxday kuwa qaata mushaarka dawladda in waqtigii la rabay uu gaaro mushaarku, laakiinse kuwa meelaha kale laga siiyo aysan mushaar helin xili fog, si aan taas uga gudubno waxaan ka shaqeynaynaa mushaar mideysan oo gacanta dawladda ka yimaada. Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan, uma wadi kartid furumaha dagaalka oo waxa ay ku weydiinayaan maxaan u dhimaneynaa,” ayuu yiri R.W Kheyre.

R.Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ay furi doonto sanduuq dhaqaale loogu aruurin doono Ciidanka, isagoona ka dal baday Shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka, taas oo uu sheegay inay wax badan ka tareyso xagga bixinta mushaarka Ciidamadeena.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa ku guuleysatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay bixinta mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale ay dawladdu wado qorshe sal ballaaran oo looga gudbayo nidaamkii hore ee kala qeyb sanaanta mushaaraadka.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...