Madaxweyne Farmaajo “Kobaca dhaqaalaha waxa uu ku xiran yahay Argagixisada oo laga adkaado”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Sharqul Awsad, ee kasoo baxa Magaalada London, waxa uu kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid tahay dagaallada ka dhanka Kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in iyada oo laga adkaado Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ay wadada u xaareyso kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in  Dalka lagu soo dabaalo xasilooni.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in uu dhaxlay Dal xaaladiisa ammni, tan siyaasadeed iyo dhaqaale ay adag tahay, Isaga oo intaasi ku daray in Dowladdu ay ka shaqeeneyso sidii Dalka  looga qaadi lahaa cunaqabateynta Hubka.

Waxa uu sheegay in hadda ay Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ay ka siman yihiin awoodda dhinaca Hubka, waxaana uu xusay in cunaqabateynta oo la qaado ay sahleyso dib u dhiska Ciidamada iyo qalabeyntooda.

Madaxweynaha ayaa amaanay doorka Dowladda Sacuudiga ay ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka wada hadleen ladagaalanka argagixisada, dib u dhiska Ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabida Miisaaniyada Dowladda.

Sidoo kale Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sheegay Wareysiga, in Sacuudiga uu door weyn ka qaatay gurmadka dedeg ah ee Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya

Madaxweyhaha ayaa sheegay in uu u arko, Soomaaliya in ay gaartay biseyl siyaasadeed, isaga oo tusaale usoo qaatay in si nabad ah ay xilka isugu wareejiyeen isaga iyo Madaxdii kaga horeysay xilka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....