Wasiirka Caddaaladda oo qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Date:

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo maanta booqday xarunta wasaaraddaasi ee magaalada Muqdisho.

Mudane Xasaan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Caddaaladda ayaa xubnaha wafdigaasi kala hadlay arimo ay ka mid yihiin  sidii loo horumarin lahaa  adeegga garsoorka dalka.

Wasiirka  Caddaaladda Mudane Xasaan Xuseen Xaaji  ayaa sheegay in wafdiga ka socday Midowga Yurub ay isla garteen  in wasaaradda laga caawiyo qorshe howleedkeeda u degsan ee ku wajahan horumarinta hannaanka garsoorka.

 

Dhinac kale wasiirka Caddaaladda  ayaa shiir u furay wakiillo ka kala socda mamuul goboleedyada dalka, waxaana uu sheegay  in  kulankaasi uu yahay  mid looga hadlayo xariika  mamuul goboleedyayad iyo Wasaarada Caddaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....