Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabatay kulan wada-tashi ah oo ku saabsan Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa maanta qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayay horumarka illaa iyo haatan laga sameeyay qabyo-qoraalka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo arrintan ay qeyb ka tahay sidii ay bulshada qeybaheeda kala duwan uga qeyb qaadan lahaayeen xeerka.

Kulankan waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 20 qof oo ka wakiil ah Hay’adaha dawladda iyo shirkadaha ganacsiga ee ka shaqeeya Isgaarsiinta dalka oo dhan, waxaana looga doodayay talooyin laga soo dhiibtay qabyo-qoraalka xeerka, kaasoo loo soo gudbiyay Wasaaradda horraantii bishan, waxaana talooyinkaasi dib eegaya Garyaqaanka Guud ee Dawladda.

Ujeeddada kulamadan oo kale – oo ah kii saddexaad ee noociisa ah – waxaa loogu talogalay sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo ay ku shaqeyn karaan shirkadaha, isla markaana loo dhisi lahaa nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu horumarin lahaa adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan.

Wasiir ku-xigeenka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Ibraahim Yarow Isaaq, oo kulankan furay ayaa sheegay in wasaaraddu haatan marineyso heer gabagabo ah oo lagu ururinayo aragtida dhammaan daneeyeyaasha ka hor intaanan sharcigan loo gudbin Golaha Wasiirrada, ka dibna Golaha Shacabka.

“Waxaa la marayaa waqtigii ugu habboonaa ee sharcigan la meel-marin lahaa sababtoo ah waxaan dhammaanteen isku raacnay in ganacsina uusan badbaadi karin sharci la’aan. Waa inaan ogaano in cid kasta ay danteeda ku jirta in la helo suuq sharci iyo nidaam leh ” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir ku-xigeenku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika.

Muqdisho, Jannaayo, 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...