Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khadka uga qeyb galay kulan lagu dhiiri gelinayay dhallinyaro u istaagtay gurmadka abaaraha

Date:

Kulan lagu dhiirogalinayay dhallinyaradii isku taagtay gurmadka abaaraha Soomaaliya isla markaana lagu Boggaadinayay ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeybgalay kuwaas oo meelo kala duwan ka yimid si ay dhallinyarada ugu dhiirogaliyaan shaqada Qaran ee ay hayaan, taas oo u bahan in loogu Hambalyeeyo isla markaana lagu dhiirogaliyo in dhalinyarada awoodooda ay u isticmaalaan dhanka wanaagsan.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u Jooga Washington DC Axmed Ciise Cawad ayaa xusay ahmiyada dhallinyaradu u leedahay bulsho wal ba iyo in dhallinyaradani ay mudanyihiin in lagu guubaabiyo in ay wax qabadkooda ku  saleeyaan isbadal, isaga ku amaanay doorkii ay ka qaateen Gurmadkii abaaraha oo ay gaarsiiyeen dhaqaale dhan Boqol kun oo dolarka Mareykanka ah ( $ 100,000)

Imaam Maxamed Diini oo ka mid ah dadka sida weyn looga tixgeliyo bulshada dhexdeeda oo kulankan ka qeybgalay ayaa dhankiisa tusaale wanaagsan uga sheekeeyay wanaaga ay leedahay Sadaqada iyo in dadka la caawiyo, isaga oo u tilmaamay dhallinyaradan oo qaarkood ku dhashay dalka Mareykanka waligoodna aan arkin dalkoodii balse la damqaday dhibta in ay yihiin Geesiyaal taariikhdu qori doonto.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdiqadir Sheekh Cali Diini ayaa ka sheekeeyay dhankiisa isbadalka ka jira dalka Soomaaliya iyo dadaalka ay ku jiraan dhallinyarada Soomaaliya joogta, isaga oo xusay in Maamulada iyo Dowladda ay ku jiraan dhallinyaro badan oo wax baratay taas oo muujinaysa in xiligan dhallinyaradu ku baraarugtay in ay qaataan doorkooda.

Guddoooomiyaha Jaaliyadda Xasan Cumar ayaa ugu baaqay dhallinyarada in ay ka dheeraadaan kuwa diidan horumarka isla markaana ku mashquula qabyaaladda iyo bur burka, isaga oo dhanka kale kaga mahadceliyay sida ay isku xilqaameen iyo sidda ay u muujiyeen dadaal iyaga waqtigooda gliyay in ay dadkooda ay la qaybsadaan dhibta ilaa laga gaaray Guushii Alle oo roobku uu ka da’ay.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre oo muuqaal araga SKYPE ka uga qeybgalaya ayaa amaanay dhallinyarada Columbus oo dhaqaalihii ay ururiyeen si toos ah ugu gudbiyay dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo dadkii ay abaaruhu saameeyeen, iyaga oo marwalba la xariiri jiray Guddiga abaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku amaanay dhallinyarada sida ay u sameeyeen dadaal iyo qaaran Qaran, waxa uuna dhanka kale muujiyay sida wali dadku ugu baahanyihiin in la caawiyo, iyada oo dad badna ay dhaafeen xoolihii isla markaana aysan haysan wax hanti ah.

Dadka ka hadlay Kulankan oo aad u badnaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar kamid ah dhallinyaradii barnaamijkan soo abaabushay,Xubno ka socda Jaaliyadda iyo qeybaha bulshada ayaa waxa ay dhamaan ay ka sinaayeen sida loogu baahanyahay in la is caawiyo iyo in la dhiiro geliyo dhallinyarada oo ah awoodda uu dalka iyo dadku u baahanyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...