Afar ka tirsan burcad dhibaateyneysay shacabka oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida

Date:

4 taan maleeshiyada ah oo  lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta taliska ciidanka 12 Abriil ku leeyihiin magalada Muqdisho .

Taliska 12 Abriil ayaa maleeshiyadaan ku sheegay kuwa geestay falal isugu jira kufsi, dhac iyo jirdil ay kula kacayeen dadka safarka ku maraya Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,  sida uu sheegay taliyaha Ururka 28 aad Guudada 4aad ee ciidanka Xoogga Dalka Korneel Cabdulqaadir Nuur Xasan Qoondhe.

Taliyaha qeybta 12 Abriil ee ciidnaka Xoogga dalka Soomaliyeed  Jeranaal Cabdulaahi Cismaan Cagey oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay in la joogteyn doono howlgalka lagu ciribtirayo burcadda caadeysatay dhibaateeynta shacabka safraya tan iyo inta laga wada sifyeynayo, isagoo sheegay in si isku mid ah ula dagaalimi doonaan cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS iyo burcadka jidgooyooyina dhiganaya

Saraakiisha 12 Abriil ee ciidkanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afartan maxaabiis ku wareejiyay xeer ilaalinta maxkmada ciidamada qalabka sida si loo marsiiyo sharicga dambiyadii ay galeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...