Wasiiir Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan รขโฌลEng. Yarisowรขโฌย iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aaadanaha Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta ka furay siminaar lagu horumarinayo saxaafadda Soomaaliya.
Tababarkan ay Wasaaradda Warfaafintu soo qabanqaabisay, oo soconaya muddo laba cisho ah, waxaa ka qaybgalaya suxufiyiin kala duwan oo matalaya Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka, Warbaahinta dowlad-goboleedyada iyo tan sida gaarka loo leeyahay.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in tababarkan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah, oo ay ka qaybgalaan wakiillo ka socda dhamaan suxufiyiinta dalka Soomaaliya.
Mowduucyada lagu baranayo tababarkan, waa kuwo muhiim u ah sare u qaadidda heerka aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Hagaha Saxaafadda (Editorial Guidelines) oo ah mowduuc wax ku ool ah oo keenaya in saxaafaddu qaadato door masโuuliyadeed oo bulshada loogu adeegayo.
Waxaan u mahadcelinayaa tababarayaasha Cabdiraxmaan Koronto oo ah la Taliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Xuseen Jaabiri, oo labaduba khibrad u leh tababarka suxufiyiinta.โ ayuu yiri Eng Yarisow.
โWaxaan ugu baaqayaa suxufiyiinta ka qaybgalaysa tababarkan in ay ka faaโiidaystaan, isla markaana ay u sii gudbiyaan suxufiyiinta kale ee aan nasiibka u yeelanโย ayuu raaciyay Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa xustay sida ay lagama maarmaanka u tahay in warbaahintu ay diiradda saarto xuquuqda aadanaha siiba caruurta.
โWarbaahinta dalku, waa in ay ilaalisaa xuquuqda caruurta, oo aysan baahin xog la xiriirta caruurta ama codkooda hadii aysan ogolaansho ka helin waalidka ama cidda masโuulka ka ah ilmaha aan qaangaarka ahayn.โAyay tiri Wasiir Deeqo Yaasiin.
Munaasabadda furitaanka tababarka, waxaa kaloo ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaalla)ย iyo Agaasimaha Tababarada & Shaqaalaha oo dhammaantood tilmaamay ahmiyadda tababarka iyo faaโiidada uu u leeyahay warbaahinta.
Saxafiyiinta, ayaa sheegay in ay ka faโiidaysan doonaan fursadda la siiyay, isla markaana ay u gudbin doonaan saxafiyiinta kale ee walaalahood ah.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa ugu dambayntii sheegay in tababarada noocan ah la sii wadi doono, loona qaban doono dhamaan saxafiyiinta, maadaama Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalku matasho dhamaan qeybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, aysanna waxba u reeban doonin sidii sare loogu qaadi lahaa aqoontooda.