Qarax aan khasaare geysan oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Qarax gaari oo aan khasaare geysan ayaa ka dhacay Muqdisho.

Qaraxu waxa uu ka dhacay meel ku dhow guriga hooyooyinka ee gobolka Banaadir.

Intii aanu gaarigani qarxin waxaa ka war helay ciidammada ammaanka oo ku raad joogay kuwaas oo dadka uga digayย  in ay u dhowaadaan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yarisow oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in qaraxan aan cidina dhaawac iyo dhimasho ka soo gaarin.

โ€œGaarigan waxaa ka war helay hayโ€™adaha ammaanka oo ku raad joogay, intii ay jidka ku soo jireenย  qolyaha miinooyinka qaabilsan si ay u furfuraan, ayuu qarxay mana jirto cid dhaawac ama dhimasho ka soo gaartayโ€ ayuu yiri Waziir Yariisow

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidammada ammaankuย  ay aad u adkeeyeen ammaanka goobta uu ka dhacay qaraxan fashilmay.

Guud ahaan ammaanka caasimadda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dabaaldegayo maalinta 15-ka May oo ah ah 74 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhallinyaradii xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale