Hay’adaha Amniga oo Gacanta ku dhigay dadkii watay Gaariga Qarxay

Date:

Muqdisho 15 May 2017 – Hay’adaha Amniga ayaa gacanta ku dhigay dadkii watay gaari ku qarxay Muqdisho maanta, iyadoo ay socoto baaris ku aadan dadkaas la qabtay.

Gaari walxa qarxa saaray ayaa hay’adaha amniga oo beryahan ku raadjoogey ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho iyagoo isu diyaarinayey inay shacabka waxyeelo u geystaan.

Hay’adaha amniga ayaa hubisey in gaariga laga shakiyey laga fogeeyo shacabka si uusan waxyeelo u geysan. Hay’adaha Miino-Baarista oo u soo socda goobta ayaa gaarigu qarxay. Mana jiro cid ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa yiri “Madaxda Qaranka iyo Dowladda Federaalku waxey ammaaneen doorka hay’adaha amniga ay ku badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed oo aan wax qasaare ah geysan. Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dadkii watay gaarigaas oo u socday inay shacabka dhibaateeyaan. Hay’adaha amniga ayaa gaarigaas ku raadjoogey ka dib markii shacabku ay soo gudbiyeen macluumaad muhiim u ahaa hay’adaha amniga. Macluumaadkaas ay shacabka soo gudbiyeen ayaa suurtogeliyey in dadkaas la qabto, isla markaasna la bad-baadiyey shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga si aan u wada sugano amniga iyo nabada aan u wada baahanahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...