Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK

Date:

Madaxwayana Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK .

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxda dowlag goboleedyada dalka, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Ingiriiska iyo qaar ka mid ah dalalka kale ee Midowga Yurub.

Kulanka ayaa ahaa mid Jaaliyadda looga xogwareysanayay doorka ay ku leeyihiin ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo goobta si wada jir ah uga hadlay ayaa tilmaamay inay dhankooda diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda Federaalka ah, Jaaliyadduna looga fadhiyo inay gacan siiyo dowladooda.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda la garab istaago, isla markaana la iska dhaafo qabiilka iyo qurunkiisa.

“Anaga adeegayaal idin nahay idinka leh dowlad, waa inaad garab u noqotaan, garab istaagtaan oo aad ka tagtaan qabyaalada iyo dhibkeeda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ku mideysan yihiin sidii dalka loogu soo dabaali lahaa amni iyo nabadgelyo, isla markaana maleeshiyaadka Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in siyaasad mideysan oo aan is qab qabsi laheyn ku shaqeyn doonaan, taasna laga dareemi karo wadajirkooda maanta.

“Waxaa balan idin ka qaadnay Siyaasad mideysan inaan ku howl galno, is qab qabsi aan laheyn, oo wada shaqeyn leh, laga soo bilaabo madaxweynaha. Ra’iisul Wasaaraha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada, sida aad caawa u jeedaa”ayuu yiri Madaxweynaha.

Faadumo Faandhe oo ka mid ah howlwadeenada Telefishinka Qaranka ee UK ayaa sheegtay in shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed uu ku soo idlaaday guul, isla markaana Jaaliyaddu ay balan qaadeen inay door muuqdo ka qaadan doonaan horumarka dalka.

Sawir Qaade Cadbiraxmaan Soomaali

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...