Wasiir ku xigeenka Wasaaradda kalluumeysiga oo kormeeray Xaafadda kalluunka Deg Waabari

Date:

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda  Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehlinayeen Agaasimaha Guud ee  iyo qaar ka mid ah  Agaasime Waaxeedyada Wasaaradadda Kalluumeysiga ayaa kormeeray Xaafadda  kalluunka  ee degmada waabari oo ka mid ah dhulka wasaaradda  ay lahayd oo muddooyin kii dambe ay daganaayeen dad shacab ah.

Wasiir kuxigenka ayaa xaafadda kalluunka kula kulmay Guddi Odayaal ah oo  ka socday dadka Xaafadda Daggan, iyagoo ka wada hadlay sidii dhulkaas loo banayn lahaa.

Cali Axmed Cabdulle oo ka mid ah Odayaasha Xaafadda kalluunka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay Baneeyaan dhulka wasaradda Kalluumeysiga.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda kalluumaysiga Cabdullaahi Cumar Abshirow oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Akhriyay wareegto ka soo baxday wasaaradda Kalluumeysiga oo la xiriirta in wasaaraddu u baahan tahay deegaankan.

Dhanka kale Wasiir kuxigeenka ayaa booqday Xaru Cusub oo ay ku shaqayn doonto wasaradda Kalluumeysiga taas oo ku taalla Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...