Madaxweynaha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay doorka Qurbo joogta ee Dalka

Date:

Shirkan oo hore dhac u ahaa shirweynaha caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo maalinka beri ah ka furmaya magaalada London waxaa looga hadlay doorka ururrada bulshada rayidka iyo qurba joogta ay ku leeyihiin horumarinta Dalka waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyada iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka .

Fartuun Cabdisalaan Guddoomiyaha Hay’adda Xaquuqul Insaanka ELMAN oo ka mid ahayd dadkii ka hadlay shirkan ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin bulshada rayidka inay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shirkan ka hadlay waxa uu sheegay inay dowladdu dhisayso hay’adda Qurbajoogta Qaranka si ay u fududeyso taakuleyta Qurba joogta ee lagu horumarinayo Qaranka .

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sameynaysaa Hay’adda Qurba joogta Qaranka, taasoo caawinayso isla markaana fududeynaysa doorka qurba joogta ay ku leeyihiin hormarka dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray doorka muhiimka ee ururada bulshada rayidka ay ku leeyihiin horumarka Qaranka.

”Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qiraysaa doorka qeybta wanaagsan ee bulshada Rayidka ka qaateen dowladnimada Soomaaliya, Dowladaydu waxa ay wajahaysa dhibaatoyinka iyo caqabadaha haysta ururrada bulshadda rayidka, waxaana fududeynaynaa doorka wanaagsan ee ay qaadanayaan,.”ayuu Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay inuu jiro kulan weyn uu kula hadlayo Soomaalida wadanka Ingiriska ku nool, waxaana qurba joogta iyo bulshada rayidka uu ka codsaday inay ka soo qeyb galaan shirkaasi .

“Waxaan kale oo aan rabaa inaan ku dhawaaqo inaan leenahay kulan weyn oo aan kula hadlayo guud ahaan bulshada Soomaliyeed ee nool Ingiriiska, waan idin casuumayna qurba joogta dhamaan iyo bulshada rayidka, waxaana jiri doono dood weyn” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan waxa uu muhiim u ahaa dhegeysiga aragtida qurba joogta iyo bulshada rayidka ee horumarka dalka, waxaa uu imaanaya xilli maalinka beri ah uu magaalada London ka furmayo Shirka caalamiga ah ee taageerada dib dhiska, Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Cabdishakuur Cali Axmed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...