Taariikh kooban: Aasaaskii Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO (Warbixin)

0
52

 Inkastoo xilligii kala duwanaa ee uu jireay bini’aadamka gaar ahaan  bilowgii hababkii ,dhul-goosiga iyo is-adoonsiga ee caalamka ay muuqdeen tacadiyo ku dhacayey dadka xoogsatada ah ama shaqaalaha haddana  waxaa si toos ah loo xusi karaa waqtigii ay soo ifbaxeen   kacaankii warshadaha oo ku beegnaa sanadkii 1770-kii,kaas oo  dalal badan ay  horumar ka gaareen dhinaca  warshadaha,iyo beeraha.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo iyo kacdoonno lagu raadinayo in xoogsatada ka howlgala warshadaha,beeraha,macdan qodista iyo kuwa kale  ay helaan xuquuq iyo xoriyad dheeraad ah arintaasina waxa ay abuurtay  in uu isbadal ku yimaado dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee inta badan dalalka caalamka ah.

Xoogsatada ama  shaqaalaha oo ahaa dad muruqmaal ah oo dantu bidday in ay  ku shaqeeyaan duruufo adag oo u saamaxay in ay  dulqaad u yeeshaan dhibaatooyinkii kaga imaanayey milkiliyaasha ama loo shaqeeyaha,haddana waxay  gacan  ka geysteen xagga  waxsoosaarka iyo sameynta nuucyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha,sameynta biraha xadiidka, tareenada,maraakiibta,gawaarida,diyaaradaha iyo warshadaha dharka.

Tusaale ahaan Boqortooyada Ingiriiska oo gumeystay dalalka caalamka intooda badan iyo Mareykanka oo xornimo ka qaatay Boqortooyadaasi ayaa ahaa dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsada midowga ururada xoogsatada ama shaqaalaha

Midowga xoogsatada Ingiriiska waxaa saarnaa cadaadis illaa laga soo gaaro sanadkii 1882-dii inkasta oo shaqaalaha ka howlgalayey magaalada London ay ahaayeen kuwo ka nolol wanaagsanaa kuwa gobolada kale sida Weylis,Iskotlan iyo Airlan,waxaana isla sanadkaasi goboladaasi ku fiday kacdoono shaqaale oo la doonayey in lagu madaxbaneeyo xoogsatada oo markii dambe qarnigii 19-aad ay u suurtagashay in ay helaan  wakiillo matalaya midowga ururada oo ka shaqeeya danaha xoogsatada haddaay ahaan lahaayeen shaqaalaha warshadaha,kuwa qoda macdanta,beeraha iyo kuwo kale.\

Markii ugu horeysay dalka Mareykanka waxaa qeybo kamid ah sanadkii 1882 lagu  qabtay maalin loogu magic daray maalinta shaqalaha,kadibna  waxaana sanadkii 1896-dii guud ahaan gobolada dalka Mareykanka ka bilowday aqoonsiga xoriyadda ay leeyihiin xoogsatada ama  shaqaalaha ,waxaana tallaabadaasi ku soo biiray dalal badan oo reer galbeed ah

xoogsatada dalka Faransiska waxa ay soo bilowdeen 1895–1914 inkastoo ay jireen maamullo fowdo ah oo adeegsanaayey awood. 1906 shaqaalaha ama xoogsatada dalkasi waxa ay ku andacoodeen in xornimo buuxda la siiyo midowga xoogsatada. 1909 qaar kamid ah maamulayaashii xoogsatada iyo boqolaal shaqaale ah ayaa la dilay kadib kolkii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen in ay kala eryaan dad shaqaale isu soo baxay

Dhalashadii ururada xoogsatada dalka Talyaaniga  waxa a sanadkii 1861-dii kadib ay ku bilowdeen socod ama dhaqdhaqaaq gaabis ah oo ka muuqday xirfadaha   ururo kala duwan .3-dii June 1944 xilligaasi oo Talyaaniga uu ka qeybqaadanaayey dagaalkii labaad waxaa heshiis wada saxixay guddiyo ka socday ururada Shuuciga,Bulshada iyo Katooliga,kuwaas oo matalayey xoogsatada ama shaqaalaha ,isla markana doonayey  midowga  shaqaalaha .Sanadkii 1950-kii waxaa dalka Talyaaniga lagu aasaasay midowga shaqaalaha Talyaaniga Italiana del Lavoro )

Midowga xoogsatada dalka Kanada waxa uu ahaa mid jiray illaa 1800 kuwaas oo ay muuuqdeen sida midowga xoogsatada xirfadaha badaha xilligii ay socdeen dagaaladii lagu joojinaayey adoonsiga dadka ee snadkii 1812-kii . Midowga Xoogsatadii  kanada wxa ay horay xiriir ula lahaayeen farsamayaqaanada Ingiriiska ee ka tagay dalka Ingiriiska oo xambaarsanaa dhaqan ahaan ama fikradaha ay ku shaqeynayeen midowga xoogsatada Boqortooyada Ingiriiska. .Midowga Xoogsatada Ingiriiska ee ka howlgalaayey dalka Kanada ayaa xarumo badan oo xagga shaqada ah ku yeeshay dalkaasi. .Midowga xoogsatada Kanada waxa ay sidooo kale xiriir la lahaayeen ku Mareykanka.

Xisbiga shaqaalaha dalka Australia ayaa hogaaminaayey dhaqqdhaqaaqii shaqaalaha horaantii qarnigii 20-aad, Kaas oo orod ugalay in la dhameeyo xaaladaha caruurta lagu shaqeeyo,in la hormariyo badbaado qabka shaqaalaha,kordhinta mushaarooyinka midowga xoogsatada iyo kuwa aan ku jirin midowgaasi iyo kor u qaadidda waxyaabaha dabooli kara baahida bulshada sida nolosha,wxbarashada iyo yareynta saacadaha shaqada

Midowga shaqaalaha dalka Jaban waxa uu soo ifbaxay xiliyaddii(Meiji ) ee October 23, 1868  illaa  July 30, 1912 oo talada ay hayeen  boqortooyadii dalkaasi,waxyna illaa laga soo gaarat 1945-tii ay ahaayeen kuwo uu hooseeyay xuquuqda ay lahaayeen . Dagaalkii labaad markii uu Mareykanku qabsaday dalka jaban,waxaa bilowday dhiirigalinta iyo aasaaskii xornimo doonka ururad xoogsatada dalkaasi,isla markiiba waxaa xubno buuxa ka noqday 5-milyan oo shaqaale ah

Bilowgii qarnigii 19-aad dalalka Scandinavia midowga xoogsatada waxa ay ahaayeen kuwa ugu badan shaqaalaha dalalkaasi ,isla markaana heystay xaqa iyo xuquuqda shaqo .Tirada ugu bad ee xubno ka ah midowga xoogsatada ayaa xilligaasi lagu sheggay in ay ka jireen dalalka Sweden ,Denmark iyo Filland

Xoogagga shaqaalaha dalka Jarmalka waxa ay leeyihiin taariikh dib u galeysa kacaankii Jarmalka ee sanadkii 1848-dii ,illaa haddana waxa uu door muhiim ah ka qaataa dhaqaalaha dalkaasi iyo xagga wax soo saarka bulshada. .Muhiimaddda  ugu weyn ururada shaqaalaha waa  midowga  ururka xoogsatada shaqaalaha oo loo yaqaanno  (Deutscher Gewerkschaftsbund,kuwaas oo ay wakiilllo ka yihiin wax ka badan 6-milyan oo ruux.

Haddaba, Iyadoo lagaduulayo cabashooyinka iyo kacdoonada kale ee ay ku dhaqdhaqaaqeen xoogsatadii ku noolaa dalalka Yurub iyo kuwii kale  waxa ay sababeen in sanadkii 1919-kii la unko Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida ILO ,kadib kulan magaalooyinka Paris iyo Washington ay isugu yimaadeen wakiilada sagaal dal oo kala ah Belgium, Cuba, Czechoslovakia, France, Italy, Japan, Poland,Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka, kaas oo uu hogaaminaayey  Samuel Gompers oo ah madaxa shaqaalaha Federaalka ah ee Mareykanka AFI

Isla sanadkasi ,gaar ahaan bilihii January iyo April  waxaa la sameeyay dastuurka ururka shaqaalaha oo dhigayey in la yareeyo saacadaha haqada oo lagu soo kobo muddo 8-saacadood ah,dhowrista xuquuqda shaqaalaha,ilalinta dadka da’da ah iyo haweenka,iyadoo mudnaanta la siinayo  Urur ay ku mideysan yihiin xubno ka socda dowladaha,Shaqaalaha iyo xoogsatada oo maamula ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida .

Waxaa marag-madoonto ah in dad badan oo xoogsato ah ay soo gaartay waxyeelooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho kumanaan ruux ah,dhaawacyo aan la qiyaasi Karin iyo  shilal kale mudadii ay socdeen kacdoonadii looga horjeeday milkilayaasha warshadah iyo beeraha sanadihii u dhaxeyay dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad.

Dhismaha ururka ILO  ee shaqaalaha dunida sanadkii 1919-kii waxa  uu calaamad u noqday  soo afjaridda  dagaalkii koowaad ee calamka,kaas oo muujiyay kalsooni iyo is aaminsanaan caalamka ah oo aakhirkii keenay nabad dhameystiran oo salka ku heysa bulsho caddaalad ah.

Sanadkii 1920-kii,waxaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee maamula ururka shaqaalaha dunida ILO loo doortay  France’s Albert Thomas waxaana labadii sano ee u horeysaay  xubno ka noqday 16 urur weyne halka 18-urur oo kale ay codsadeen in ay ku soo biiraan

1926 Guddi khuburo ah  of la socda howlaha ILO ayaa la sameeyay kuwaas oo howshodu aheyd kormeerka foomamka ama diwwnka ururda ku soobiiraya ILO ,guddigaasina waa mid illaa hadda shaqeeya ,wuxuuna ka koooban yahay xeerbeegto madax bannaan oo mas’uul ka ah in ay la socdaan warbixinada dowladaha  iyo soo bandhigidda sanad kasta warbixinada laga soo uruuriyo xoogsatada ama shaqaalaha dunida haddey ahaan lahaayeen tacadiyo loo geysto ama ammaanta ay leeyihiin.

Bishii  May 2012 waxaa hogaamiyihii ururka ILO ama Agaasimihii guud ee  tobnaad loo doortay  Guy Ryder oo u dhashay dalka Ingiriiska,waxaana uu mar kale ku guuleystay in la doorto shan sano oo kale.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye