Raโ€™iisul Wasaaraha JFS Oo Furay Shirweynaha Ansixinta Qaab Dhismeedka Manhajka Waxbarashada Dalka

Date:

Raโ€™iisul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

โ€œWaxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadankaโ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Raโ€™iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

__DHAMMAAD_

ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...