Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka.

Date:

Muqdisho, 08 May 2017– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho ku soo gabogabeeyey Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka oo muddo 3 cisho ah socday 6da May ilaa 8da May 2017.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo shirgudoominayey Shirka Wadatashiga ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, madaxda ururada warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Wasaarada kale ee Dowladda Federaalka waxaa iyagana laga sugayaa inay sidan oo kale xiriir iyo wadashaqeyn fiican ay la yeeshaan wasaarada dhigooda ah si dalka loo mideeyo oo nidaamka Federaalka iyo Dowlad-wanaaga dalka lagu baahiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka wacyigelinta bulshada uu muhiim yahay loona baahanyahay warbaahinta oo dhan inay u istaagaan sidii horumarka dalka loo gaarsiin lahaa shacabka iyo caalamka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah ay muhiim u tahay hirgelinta nidaamka isla xisaabtanka iyo dowlad wanaaga si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Shirkan Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta ayaa muddo 3 cisho ah looga dooday dib u eegista Xeerka Saxaafada, dib u eegista Istraatejiyada Warbaahinta Qaranka, diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyada Wacyigelinta Bulshada. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada ayaa kala saxiixday Heshiis Wadashaqeyn oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradaha warfaafinta.

__DHAMMAAD_

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...