Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka.

Date:

Muqdisho, 08 May 2017– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho ku soo gabogabeeyey Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka oo muddo 3 cisho ah socday 6da May ilaa 8da May 2017.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo shirgudoominayey Shirka Wadatashiga ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, madaxda ururada warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Wasaarada kale ee Dowladda Federaalka waxaa iyagana laga sugayaa inay sidan oo kale xiriir iyo wadashaqeyn fiican ay la yeeshaan wasaarada dhigooda ah si dalka loo mideeyo oo nidaamka Federaalka iyo Dowlad-wanaaga dalka lagu baahiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka wacyigelinta bulshada uu muhiim yahay loona baahanyahay warbaahinta oo dhan inay u istaagaan sidii horumarka dalka loo gaarsiin lahaa shacabka iyo caalamka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah ay muhiim u tahay hirgelinta nidaamka isla xisaabtanka iyo dowlad wanaaga si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Shirkan Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta ayaa muddo 3 cisho ah looga dooday dib u eegista Xeerka Saxaafada, dib u eegista Istraatejiyada Warbaahinta Qaranka, diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyada Wacyigelinta Bulshada. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada ayaa kala saxiixday Heshiis Wadashaqeyn oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradaha warfaafinta.

__DHAMMAAD_

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...