Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda oo sheegtay in dhawaan dib u dhis lagu sameyn doono xaruntii Wasaaradda

Date:

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo xubno kale ayaa kormeerka ay ku tegeen xarunta hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adda iyo howlwadeeno, waxaana ay ka dhagesysteen warbixino la xiriira sida ay ku shaqeyso hay;adda iyo caqabadaha heysto.

Intaas kaddib kulan ay wada qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo maamulka hay’adda ayaa waxaa looga hadlay wasaqaynta badda, bur burinta xeebaha caasimadda iyo dhibaatada burcad badeedda, iyadoo intii uu socday shirka lagu soo bandhigay buugaag ay ku qoranyihiin sharciga badda iyo sida looga faa’iideysan karo kheyraadka badda oo ay diyaariyeen maamulka Hay’adda.

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax-Qare) oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Wasaaradda ay ka wada hadleeen sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Hay’addu u heyso bulshada Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday in ay helaan xarun u gaar ah oo ay ku shaqeystaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa tilmaamtay in hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya ay Qaranka u heyso howlo muhiim ah, ayna xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhexeyso Mas’uuliyinta Hay’adad iyo tan Wasaaradda, si loo horumariyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda.

Maryan Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegtay in Wasaaraddu ay dhawaan dhagax dhig ku sameyn doonto xaruntii hore ee Wasaaradda, maadaama iminka ay Wasaaraddu ku shaqeyso xarun KMG ah.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo Guddoomiyaha hay’adda Cilmi baarista ee badaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay kormeereen xaruntii hore ee Wasaaradda dekadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...