Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda oo sheegtay in dhawaan dib u dhis lagu sameyn doono xaruntii Wasaaradda

Date:

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo xubno kale ayaa kormeerka ay ku tegeen xarunta hayโ€™adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha hayโ€™adda iyo howlwadeeno, waxaana ay ka dhagesysteen warbixino la xiriira sida ay ku shaqeyso hay;adda iyo caqabadaha heysto.

Intaas kaddib kulan ay wada qaateen Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda iyo maamulka hayโ€™adda ayaa waxaa looga hadlay wasaqaynta badda, bur burinta xeebaha caasimadda iyo dhibaatada burcad badeedda, iyadoo intii uu socday shirka lagu soo bandhigay buugaag ay ku qoranyihiin sharciga badda iyo sida looga faaโ€™iideysan karo kheyraadka badda oo ay diyaariyeen maamulka Hayโ€™adda.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Cilmi Baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax-Qare) oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda ay ka wada hadleeen sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Hayโ€™addu u heyso bulshada Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday in ay helaan xarun u gaar ah oo ay ku shaqeystaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa tilmaamtay in hayโ€™adda cilmi baarista badaha Soomaaliya ay Qaranka u heyso howlo muhiim ah, ayna xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhexeyso Masโ€™uuliyinta Hayโ€™adad iyo tan Wasaaradda, si loo horumariyo ka faaโ€™iideysiga kheyraadka badda.

Maryan Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegtay in Wasaaraddu ay dhawaan dhagax dhig ku sameyn doonto xaruntii hore ee Wasaaradda, maadaama iminka ay Wasaaraddu ku shaqeyso xarun KMG ah.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo Guddoomiyaha hayโ€™adda Cilmi baarista ee badaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay kormeereen xaruntii hore ee Wasaaradda dekadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa...